Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Minnesota: 6 Qof oo Argagixisanimo Loo Heysto


Sarakiisha Mareykanka ee Gobolka Minnisotta ee dalkan Mareykanka ayaa ku eedeeyay lix rag ah oo gobolkaasi ka soo jeeda inay isku dayeen inay u safraan dalka Syria si ey ugu biiraan ururka ISIS.

Sida lagu sheegay eedeyntan oo la soo bandhigay maanta oo isniin ah, raggan ayaa loo heystaa inay maleegayeen iskuna dayeen inay taageero maadi ah siiyaan urur argagixiso oo shisheeye.

War ka soo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Gobolka Minnesotta ayaa ku sheegay raggan dacwadda lagu soo oogay, Mohamed Farah, Adnan Farah, Abdirahman Daud, Guled Omar, Hanad Musse iyo Zacharia Abdurahman.

Raggan ayaa warbixinta lagu sheegay inay xiriir la sameeyeen, Abdi Nur, oo ah nin u tashkiiliya argagixisada dhalinyarada reer galbeedka.

Raggan ayaa lagu sheegay warkan inay doonayeen inay u safraan Syria, iyagoo ka duulaya garoomada San Diego iyo New York City, laakiin hey’adaha amaanka ay ka hor joogsadeen.

Xeer ilaaliyaha Gobolka, Andrew M. Luger ayaa sheegay in xitaa iyadoo la hor joogsaday raggan inay safraan ayey hadana isku dayeen siyaabo kale oo ay dalka kaga dhoofaan.

Gobolka Minnesotta oo ah gobolka Somalida ugu badan Mareykanka ay ku nooshahay ayaa horey waxaa uga tagay dhalinyaro badan oo ku biiray, Ururka Al-shabab ee Somalia, iyo ururka ISIS ee ka howlgala ciraaq iyo Syria.

XS
SM
MD
LG