Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka: Loretta Lynch oo loo codeyn doono


Aqalka Senatarada Mareykanka ayaa toddobaankan u codeyn doono in ay meelmariyaan xeer-ilaaliyaha guud ee magacaabay Loretta Lynch, oo bishii November ee sanadkii hore uu soo magacaabay madaxweyne Obama.

Loretta Lynch ayaa horay uga soo shaqeysay laammaha caddaalada iyadoo xukuntay kiisas badan oo khatar ahaa sanadkii la soo dhaafay oo ay ku jireen argagixisnimo, musumaasuq dhanka maaliyada a, baaritaanno ku aadan xaq- gudubyo ka dhan ka ah xuquul isnaanka iyo eedeymo la xiriira ficilo axmaqnimo ah oo ay geysteen boolisk.

Madaxweyne Obama ayaa senatarada ku booriyey in ay meelmariyaan xeer-ilaaliyaha guud ee magacaabay Loretta Lynch isagoo Jimcihii la soo dhaafay sheegay in sugitaanku uu noqday mid dheer.

Haddii la meelmariyo magaacabista Loretta Lynch in ay noqoto xeer-ilaaliyaha guud ee Mareykanka waxay noqon doontaa haweeneydii ugu horaysey ee Mareykanka madow oo xilkaasi qabta, iyadoo beddeli doonta xeer-ilaaliyaha guud ee hadda xilkas ka sii tagay Eric Holder.

XS
SM
MD
LG