Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Tahriibayaal ku Dhintay Badda Mediterranean


Hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa saadaaliyey in sannadkan 2015 uu u egyahay mid ay badda Mediterranean-ka ku dhimanayaan Tahriibayaashii ugu badnaa.

Arrintan ayaa daba socota war ay soo saartay hay’adda badbaadada Caruurta oo sheegtay in illaa 400 oo tahriibe ay ku dhinteen badda kuwaas oo ay ku jiraan caruur badani.

Ilaa hadda xogbadan lagama hayo dalalka ay u kala dhasheen dadka ku dhintay badda Mediterrianka hase ahaatee mid ka mida dadka Soomaalida ah eek u sugan Libya oo magaciisa qariyey ayaa VOA u sheegay inay jireen dad Somali ah oo ka mid ahaa sagaal doonyood oo badda galay, wuxuu kale oo sheegay in mid ka mida doonayahaas dadkii saarnaa ay la soo hadleen isla markaana u sheegeen inay nabad qab tageen laakiin illaa sagaal qof ay ka dhimatay, welise ma jirto cid si madax banaan uga hadashay arrimahan.

Bishan April ee kala badhka maraysa waxaa si aada sare ugu kacay qulqulka tahriibayaasha iyada oo ay ugu wacan tahay badda oo aad u wanaagsan, waxaana si aada u batay dadka loo gurmanayo. Tirooyin rasmi ah ayaa muujiyey in illaa hadda ay ciidamada ilaalada xeebaha Talyaanigu ay u gurmadeen illaa 7000 oo tahriibayaal ah intii u dhexeysay 10 illaa 13 bishan April oo keliya.

Hay’adda badbaadada caruurta ayaa sheegtay in illaa 450 tahriibe oo 317 ka mid ahi ay yihiin caruur aan waalidiintood la socon inay dadkaas ku jireen.

Joel Millman oo ah afhayeen u hadlay hay’adda muhaajiriinta caalamiga ah ayaa sheegay in bishan April gudaheeda loo gurmaday dad gaadhaya illa 8000 oo qof, wuxuuna sheegay haddii laga tusaale qaato tiradan iminka inay muujinayso in sannadkan 2015 ay xad dhaaf noqonayaan tirada tahriibayaashu.

“Waxaanu xilligan ku jirnaa xawli aad u sarreeya marka laga hadlayo tirade tahriibayaasha ka imanaya Qaaradda Afrika isla markaana la barbardhigo tirade sannadkii hore … waxaa kale oo laga yaabaa in tirade dhimashadu ay Iyana shan laabanto … wiiggii inna dhaafay oo keliya waxaanu diiwaangelinay illaa 500 oo ku dhimatay badda Mediterraneanka kuwaas oo ahaa tahriibayaal ka imanay Afrika. Xilligan oo kale sannadkii hore tiradaasi waxay maraysay illaa 47 qof, halka dhammadka bishii April ee sannadkii hore ay tirada dhimashadu ahayd oo keliya 96 qof. Sidaas awgeed xaddiga dhimashada ee iminka jira waxay ku shan laabmay tirada dhimatay afartii bilood ee ugu horreeyey sannadkii 2014” ayuu yidhi.

Hay’adda Qaxootiga dunida ayaa sheegtay in ugu yaraan 3,500 oo tahriibe inay degtay doomihii ay la socdeen sannadkii 2014 intii ay isku dayayeen inay ka soo gudbaan badda Mediterranean kuwaas oo badankoodu ka imanayey Woqooyiga Afrika. Hay’adaha gargaarka bini’aadanimo ayaa iyagu saadaalinaya in tirade dhimashadu ay intaas ka badanayso sannadkan.

XS
SM
MD
LG