Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Hay'ado ka Hadlay Xayiraadda Shirkadaha Lacagta


Hay’adaha samafalka ayaa walaac ka muujiyay xayiraadda ay dawladda Kenya saartay 13 ka mid ah shirkadaha lacagta kala wareejiya ee ay Soomaalidu inta badan adeegsato.

War-saxaafdeed ay ku saxeexanyihiin 15 ka mid ah ururada samafalka ee caalamiga ah ee ka hawlgala Somalia oo ay ka mid yihiin hay’adaha CARE iyo OXFAM ayaa lagu sheegay in lacagaha ay somaalidu u diraan qoysaskooda ku nool gudaha Somalia ay sanadkii gaarayso in ka badan hal Bilyan oo doolar.

Hay’adaha samafalka ayaa war saxaafdeedkooda ku xusay in talaabada ay qaaday dawladda Kenya oo ay uga horeeyeen dawladaha Marykanka iyo Australia ay saamayn weyn ku yeelanayso nolosha dad badan oo soomaaliyeed oo ku tiirsanaa dhaqaalaha loo sii maryo shirkadaha xawaaladaha.

Waxa kale oo hay’aduhu sheegeen in talaabadan ay keenayso in ay joogsadaan hawlihi shaqo ee ay ha’aduhu ugu gargaarayeen dadka soomaaliyeed maadaama oo aanu jirin hab kale oo lacagaha loogu gudbin karo gudaha Somalia .

Urarada samaflaka ayaa ku sheegay war saxaafadeedkooda in ay dawladda Kenya la wadaagayaan walaaca ay ka qabaan argagxisada hase ahaatee loo baahanyahay in dawladda Kenya ay shirkadaha lacagaha ay si gooni gooni ah shirkad walba dib u eegis ugu samaysao, maadaama oo sida warsaxaafadeedku sheegay ay ku jiraan shirkadaha la xidhay kuwa badan oo si sharciga waafqsan u guta shaqadooda.

XS
SM
MD
LG