Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kenya oo Fariisiyay Akoonadii Xawaaladaha


Dowladda Kenyan ayaa fariisisay akoonadii bangiyada ee 86 hay’adood oo kuwa maaliyadda ah iyo shaqsiyaad ay uga shakisay inay maalgelinayeen argagixisada.

Talaabadan ayaa dowladda Kenya ay ku dooneysaa inay ku xanibto qulqulka lacago ay sheegtay inay gaaraan ururka Alshabab ee Somalia.

Dhamaan 86kan hey’adood ayaa sidoo kale lagu daray liiska arimaha ay dowladda isha gaarka ah ku heyso.

Al-Shabab ayaa weeraro badan ka fulisay kenya sanadihii ugu dambeeyay, waxeyna ka dignay in kuwo kale ay ku qaadi doonto, ilaa iyo inta ay ciidamada Kenya ka baxayaan Somalia.

Waxa ugu dambeeyay weerarkii Khamiistii rag hubeysan ay ka geysteen Jaamacadda Gaarisa ee ay ku dhinteen 148ka arday.

Dhinaca kale, War ka soo baxay dowladda Somalia ayaa Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud iyo Ra’isul Wasaare Cumar Cabdirashiid waxey labaduba ka digeen in talaabada kenya ay ku xanibeyso xawaaladaha ay dhaawacdo nabadda iyo dhismaha dowladnimo ee curdanka ah ee Somalia.

XS
SM
MD
LG