Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kenya oo la soo Gabagabeeyay Tacsidii Qaran


Dadweynaha dalka Kenya ayaa maanta soo gabgabeeyay maalintii u dambeysay ee saddex maalmood oo tacsi qaran ah oo lagu xusayay dadkii ku dhintay weerarkii jaamacadda Gaarissa.

Dadka ayaa isugu soo baxay fagaare ku yaalla caasimadda Nairobi, qaban qaabiyayaasha munaasabadda ayaa dadka ka codsaday inay soo xirtaan dhar madow ah, isla markaana ay soo qaataan ubax iyo qoraallo ay ku xusayaan dadkii geeriyooday.

Kooxda al Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi , iyaga oo tilmaamay inuu ahaa mid ay uga aar goosanayaan ciidamada Kenya ee qaybta ka ah AMISOM ee ku sugan gudaha Somalia.

Axaddii ayay ciidamada Kenya ay dhinaca cirka ka duqeeyeen laba xaruumood oo ay al Shabaab ku lahaayeen gobolka Gedo ee koonfurta Somalia.

Afhayeenka ciidanka Kenya David Obonyo ayaa sheegay in in labada xaruumood la burburiyay, inkasta oo aanu sheegeen tirada dhimashada eek a dhalatay weerarka.

XS
SM
MD
LG