Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xogta laga Helay Sanduuqii Diyaaradda


Germany France Plane Crash
Germany France Plane Crash

Dembibaadheyaal u dhashay dalka Faransiiska oo qaabilsan duulimaadyada ayaa sheegay in xogtii ugu horraysay ee laga helay sanduuqa labaad ee diyaaraddii burburtay ee Germanwings inay sii xoojisay aragtidii ku saabsanayn in duuliyuhu uu si toos ah u burburiyey diyaaradda isla markaana ay goobtaas ku nafwaayee dhammaan 150 oo saarnaa.

Dembi-baadhayaasha ayaa ku dhawaaqay maanta oo jimce ah in xogta laga helay sanduqa madaw ee diyaaradda German Wings inuu muujiyey in duuliyaha labaad uu qolka duulimaadka ka xidhay duuliyihii koowaad, isaga oo si isxigxigtay u bedelay xawaaraha iyo heerka diyaaraddu ku duulaysay, waxaana taas ugu dambayn ka dhashay burburkii dadka badani ku dhinteen.

Dembibaadhayaashu waxay kale oo sheegeen in duuliyaha geystay burburka diyaaraddani uu internetka ka baadhay macluumaad ku saabsan is halligidda iyo xog la xidhiidha albaabka duuliyaha diyaaradda ka hor intii aanu geysan tallaabada sababtay burburka diyaaraddan.

XS
SM
MD
LG