Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Diblomaasiyiin Laga Daadgureeyay Yemen


Ciidanka badda dowladda Suucidaga ayaa toddobaneeyo dibloomaasiyiin ah ka soo daad-gureeyay dalka Yemen sida maanta lagu sheegay war laga baahiyey telefishinka xukuumadda Sucuudiga.

Dibloomaasiyiinta ayaa laga soo daad-gureeyay magaalada Xeebta ee Cadan iyadoo la keenay magaalada Jidaha ee Sucuudiga.

Dad-gureyntan ayaa imaanaysa xilli uu dagaal culus ka socdo magaalada Cadan kaasoo u dhaxeeya taageerayaasha madaxweyne Abdurab Mansuur Haadi iyo kooxaha ka soo horjeeda.

Shalay ayuu afhayeenka milatariga Sucuudiga Sarreeya guuto Axmed Aseeri uu sheegay in Sucuudigu sii wadi doono weerararada dhanka cirka ee ay ku hayaan deegaannada gacanta ku hayaan dagaalyahannada Xuutiyiinta illaa iyo inta dowladda Yemen u baahantahay in la difaaco.

XS
SM
MD
LG