Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shacabka Nigeria oo u Dareeray Goobaha Cod-bixinta


Nigeria: Shaqaalaha Saliida oo Shaqada Joojinaya
Nigeria: Shaqaalaha Saliida oo Shaqada Joojinaya

Waxaa maanta guud ahaan dalka Nigeria ka billowday cod-bixinta doorashooyinka guud ee madaxtinnimada iyo baarlamaanka, iyadoo malaayiin dad ah ayaa safaf dhaadheer u galay sidii ay codadka uga dhiiban lahaayeen goobaha cod-bixinta

Waa markii ugu horaysay oo dadka Nigeria doorashada ku galayaan kaararka casriga ah oo akhriya xogta cod-bixiyaha, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in ay jiraan cillado badan oo ka dhashay kaararkaasi oo ay adkaatay akhrinta magacayda iyo soo saarida faraha cod-bixiyaha.

Guddiga madaxa-bannaan ee doorashada dalka Nigeria ayaa rajeynaya in laga hortagi doono in aysan dhicin wax isdaba-marin maadaama uu guddigu xilligan isticamaalayo qalab casri ah.

Doorashadii hore ee ka dhacday dalka Nigeria sanadkii 2011-kii ayaa waxa hareerayay wax isdaba-marin la sameeya taasoo qalalaasihii ka dhacay ay ku dhinteen dad ka badan 800 oo qof.

Waxaa lagu soo warramayaa in doorashan ay ugu cad cad yihiin madaxweyne Good luck Jonathan oo ka tirsan xisbiga talada haya ee PDP iyo jeneral Maxamed Buxaari oo loollan adag kula jira oo ka tirsan xisbiga APC kuwaasoo la sheegay in ay aad isugu dhowyihiin.

XS
SM
MD
LG