Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kenya oo Darbi ka Dhisaysa Xadka Somalia


Dowladda Kenya ayaa qorsheynaysa darbi ay ka dhisto xadka ay la wadaagto Soomaaliya si ay u sugto amniga xadka isla markaana uga hortagto weerarrada ururka al-Shabaab.

Qorshahan ayaa qaar ka tirsan dadka Kenya ay dhaliileen. Xildhibaan Cabdullahi Diiriye Dhakalow oo ka mid ah baarlamaanka Kenya ayaa canbaareeyay qorshahan, isagoo sheegay in darbi xadka laga dhiso aanu waxba soo kordhin doonin.

Kenya waxaa Soomaaliya ka jooga ciidamo qeyb ka ah howgalka Midowga Africa, kuwaasi oo dagaal kula jira ururka al-Shabaab. Dhinaca kale, maleeshiyo ka tirsan ururka al-Shabaab oo diidan joogitaan ciidanka Kenya ee Somalia ayaa xadka ka gudba isla markaana gudaha Kenya ka geysta weerarro ay ku bartilmaameedsadaan rayidka Kenya.

Ma cadda wakhtiga rasmiga ah ee dhismuhu bilaabmi doono, balse warbaahinta Kenya ayaa soo xigtay wasiirka amniga dowladda Kenya oo isagu sheegay in dhismuhu toddobaadkan bilaabmi doono.

Xadka Kenya iyo Soomaaliya kala qeybiyo waxaa ku nool dad Soomaali ah, waxaana dadka wax falanqeeyaa ay sheegayaan in darbi laga dhiso xadka uu saameyn ku yeelan doono isu-socodka xadka.

XS
SM
MD
LG