Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kooxaha Yemen oo Loogu Baaqay Wadahadal


Danjiraha Maraykanka u joogta Qaramada Midoobay Samantha Power ayaa ugu baaqday dhinacyada ku dagaalamaya dalka Yemen inay ku soo noqdaan misska wada-hadalka.

Hadalkan ayaa ku soo beegmaya iyada oo Jabhadda Xuuthiyiintu ay la wareegeen magaalada muhiimka ah ee Ticis.

Danjiraha Maraykanka ee Qaramada Midoobay ayaa baaqan soo jeedisay ka dib kulan deg deg ah oo golaha ammaanku uu ka yeeshay arrinta Yemen.

Power ayaa sheegtay in golaha ammaanku uu taageersanyahay Madaxweyene Abd-Rabbu Mansour Hadi.

Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Yemen Jamal Benomar ayaa hadal uu u jeediyay xubnaha golaha ammaanka waxa uu kaga digay in dalka Yemen uu qarka u saaranyahay dagaal sokeeye.

XS
SM
MD
LG