Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Obama oo la Hadlay Netenyahu


Madaxweyne Barack Obama oo dhageysanaya su'aallo lagu weydiiyay xilli uu shir jaraa'di ku qabtay Aqalka Cad. Nov. 3, 2010.
Madaxweyne Barack Obama oo dhageysanaya su'aallo lagu weydiiyay xilli uu shir jaraa'di ku qabtay Aqalka Cad. Nov. 3, 2010.

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa u sheegay Ra’iisal Wasaaraha Israel in dawladda Maraykanku dib u eegiis ku samayn doonto xiriirka ay la leedahay Israel.

Hadalka Madaxweyne Obama ayaa daba socda hadal uu R/wasaaraha Israel uu ku sheegay inuusan ogolaan doonin in Falastiin iyo Israel ay noqdaan laba dal.

Madaxweyne Obama ayaa khadka tilifoonka kula xiriiray Netenyahu Khamiistii si uu ugu hambalyeeyo guusha uu ka soo hooyay doorashadii ka dhacday dalkaasi.

Warkan ayaa laga soo xigtay mas’uul ka tirsan aqalka cad oo ka gaabsaday in magiciisa la shaaciyo.

Mas’uulkan ayaa sheegay in Madaxweyne Obama uu u sheegay Ra’iisal wasaaraha Israel in loo baahnaan doono in dib loo qiimeeyo xiriirka ka dhexeeya iyada oo laga shidaal qaadanayo mawqifka iyo go’aanka uu gaarayRa’iisal wasaare Netanyahu.

Intii lagu guda jiray ololihii doorashada ayuu Netanyahu u sheegay warbaahinta Israel inuusan ogolaan doonin in dawlad gaar ah loo sameeyo Falastiiniyiinta.

XS
SM
MD
LG