Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Somaliland iyo Somalia oo Isku Khilaafsan Wadahadalada


Xukuumadda Somaliland ayaa beesha caalamka ka dalbatay in ay soo farageliso wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya ee dhowaan burburay, Hase ahaatee Dawladda Somaliya ayaa ku gacansaydhay oo sheegtay in Wadahadaladu aanay laba dal u dhexeyn hase ahaatee ay u dhexeeyaan laba dad.

Wasiirka Arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa VOA u sheegay in dalal badan oo caalamka ah oo ay safaaradahooda Nayroobi kulan kula yeesheen ay dalabkaasi u gudbiyeen. Goor dhow waxaad dhagaysan doontaan jawaabta ay baaqaas ka bixisay dawladda Soomaaliya balse marka hore Weriyaha VOA ee Hargeysa Barkhad Maxamuud Kaariye oo wasiirka Arrimaha Dibedda ee Somaliland ku waraystay magaalada Hargeysa, ayaa ugu horrayn waydiiyay cidda ay la kulmeen, waxaanu ku jawaabay.

Wasiirka Arrimaha Debedda Somaliland
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:35 0:00

Haddaba dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in wadahadalladu aysan ka dhaxaynin laba dal ee ay u dhexeeyaan dad. Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibedda Khaalid Cumar Cali ayaa sheegay inaysan meesha oollin arrin loogu yeedhay dhexdhaxaadin caalami ah, iyadoo sheegtay inay diyaar u tahay in wadahadalladu sii socdaan. Caasha Ibraahim Aadan ayuu ugu warramay khadka telefoonka ee Muqdisho.

Wasiiru Dawlaha Arrimaha Debedda Somalia
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:06 0:00

XS
SM
MD
LG