Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Guulo Laga Filayo Wada Hadalada Nukliyeerka Iran


Ninka ugu sareeya kooxda wada xaajoodka Nukliyeerka u qaabilsan Iran ayaa sheegay in Saraakiisha Iran inta badan arimihii la isku hayay ay isafgarad kala gaareen Mareykanka iyo xubanaha dalalka kale ee wada xaajoodka ku lugta leh, laakiin Aqalka Cad ayaan niyad sami weyn ka muujin heshiis la gaaro.

Ali Akhbar Salehi ayaa Talaadadii shalay u sheegay telefishinka ay dowladda gacanta ku heyso ee Iran in weli uu jiro qodob muhim ah oo labada dhinac isku hayaan, laakiin ay isku dayayaan in xal loo helo.

Waxa uu sheegay Mr. Salexi hadii qodobkaasi laga gudbo in dhamaan dhinacyadu ay heshiis ka gaari doonaan arimaha farsamo ee looga wada hadlay Switzerland.

Ma uusan carabaabin waxa uu yahay Qodobka weli la isku mari la’ayahay.

Magaaladan Washingtonna, afhayeen u hadlay Aqalka Cad oo la yirahdo Josh Earnest ayaa sheegay in labada dhinac ay xoogaa guulo ah ka gaareen wada xaajoodka sanadkii la soo dhaafay, laakiin fursadda heshiis in la gaaro ah ay tahay 50 boqolkiiba.

Haddii aan heshiis la gaarin todobaadkan gudihiisa, ayaa labada dhinac la filayaa inay wada hadallo dheeri ah yeeshaan ka hor dhamaadka bishan – oo ku beegan waqtiga kama dambeysta ah.

XS
SM
MD
LG