Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Baraf iyo Qabow ku soo Fool leh Maraykanka


Dalka Maraykanka waxa si weyn loo dhowrayaa baraf iyo qabow daran oo ka dhaca gobolada qaarkood. Bishii November ee inna dhaaftay ayaa noqotay bisha February ee ugu qaboobeyd taariikhda gobolada Maraykanka qaarkood. Waxaa dadka Maraykanka ku dhaqani ay la yaabban yihiin in cimiladu ay sidan sii ahaato iyada oo la galay bishii March, xiligii guguna uu soo dhow yahay.

Magaalada Washington, DC iyo gobolada la dariska ah ee Virginia iyo Maryland ayaa ka mid ah kuwa cimilada aadka u daran laga filayo. Meelaha sida weyn loo eegayo in baraf darani ka da’o waxa ka mid ah gobolka Tennessee oo ku yaalla koonfurta Maraykanka, isla markaana aanan looga baran cimiladan oo kale.

Haddaba Maxamed Cabdi Sandhere ayaa sida xaalku hadda yahay ka wareystay Abuukar Sheekh Siciid (Abukar Shaash) oo ka mid ahaa ciyaartoydii kubbadda cagta ee Somalia, haatana ku nool magaalada Memphis ee gobolkaas Tennessee.

Dhageyso Barafka Maraykanka
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:40 0:00

XS
SM
MD
LG