Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Turkey: Booliska oo Xidhay Nin Sheegtay inuu Bam Sito

Plain clothers policemen are seen around a vehicle near the U.S. consulate in Istanbul February 27, 2015. Turkish police on Friday sealed off a street outside the U.S. consulate in Istanbul, a Reuters witness said, and local media reported that police had

Warbaahinta Turkiga ayaa sheegay in ciidamada Booliska dalkaasi ay xidheen nin ku sugnaa barxadda hore ee Qunsuliyadda Maraykanku ku leeyahay Istambul, ninkaas ayaa sheegay inuu haysto waxyaabaha qarxa.

Hay’adaha warbaahinta ayaa sheegay maanta oo jimce ah in ciidanka boolisku ay aaminsan yihiin in ninkaasi aanu maskax ahaan caafimaad qabin, inkasta oo aanay cadday inuu haystay bam iyo inkale.

Ciidamada booliska ayaa faaruqiyey waddooyinka hormara qunsuliyadda Maraykanka, waxaana dhacdadani ku soo beegmay iyada oo dhawr weerar loo geystay sannadihii u dambeeyey diplomaasiyiinta Maraykanka ee ku sugan dalka Turkiga.

Sannadkii 2013 qarax ka dhacay afaafka hore ee safaaradda Maraykanku ku leeyahay Ankara ayuu ku dhintay Waardiye u dhashay dalka Turkigu, waxaana weerarkaas sheegtay ururka bidixda fog ee RPLPF.

XS
SM
MD
LG