Ra’iisul wasaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashid ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay dalka gaarsiin doonto doorasho 2016 haddii aanay iman caqabad ka dhex-dhalata dowladda dhexdeeda.
RW Sharmaarke oo wareysi gaar ah VOA ku siiyay magaalada Toronto ayaa sidoo kale ka hadlay joojinta xawaaladdaha Maraykanka oo uu sheegay inay tahay dhibaato weyn oo Somalia soo wajahaysa.
Falastin Ahmed Iman ayaa RW Sharmaarke wareysi uu dhinacyo badan uga hadlay kula yeelatay magaalada Toronto.