Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xiisada Ukraine oo Heshiis laga Gaadhay


Ka bilaw Bidix, Madaxweynaha Belarus Alexander Lukashenko, Madaxweynaha Russia Vladimir Putin, Hoggaamiyaha Jarmalka Angela Merkel, French Madaxweyne Francois Hollande and Madaxweynaha Ukraine Petro Poroshenko
Ka bilaw Bidix, Madaxweynaha Belarus Alexander Lukashenko, Madaxweynaha Russia Vladimir Putin, Hoggaamiyaha Jarmalka Angela Merkel, French Madaxweyne Francois Hollande and Madaxweynaha Ukraine Petro Poroshenko

Hoggaamiyayaasha dalalka Ukraine, Ruushka, Jarmalka iyo Faransiiska ayaa ka soo muuqday wadahadalo ka socday dalka Belarus maanta oo khamiisa, kaas oo lagu gaadhay heshiis xabbad-joojin ah oo ujeedadiisu tahay in lagu soo afjaro dagaallo bilo ka socday bariga dalka Ukraine oo ay ku dhinteen kumanaan qof.

Xabbad-joojintan oo hirgelaysa bishan February 15-keeda, ayaa lagu dhawaaqay ka dib markii ay dhinacyadani lahaayeen wadahadalo socday illaa 16 saacadood oo ka dhacayey caasimadda dalka Belarus ee Minsk.

Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay in dhinacyadu ay isla garteen inay ku heshiiyaan waxyaabaha waaweyn taas oo ay ku jirto in goolaha dagaalladu ka socdaan laga saaro hubka cul-culus.

Kooxaha Mucaaradka ee Ruushku taageero ayaa iyaguna aqbalay heshiiskan cusub.

laakiin dhinacyada oo dhan ayaa ku muujiyey shirar jaraa’id oo ay gaar-gaar u qabteen inay weli jiraan waxyaabo lagu kala aragti duwan yahay. Hoggaamiyaha dalka Jarmalka Angela Merkel ayaa sheegtay in shaqo badan la qabtay.

Inkasta oo la soo bandhigay heshiiskan xabbad joojinta ah haddana saraakiisha milateriga ee Ukraine ayaa sheegaya in Tangiyo dagaal iyo hub culusi uu ka soo gudbayo xuduudda dalkaasi la leeyahay Ruushka habeenkii xalay ahayd.

XS
SM
MD
LG