Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dhimashada Kayla oo la Xaqiijiyay


Kayla Mueller
Kayla Mueller

Haweenay u dhalatay dalka Maraykanka oo lagu magcaabi jiray Kayla Mueller oo gacanta ugu jirtay ururka Daacish ayaa xilligan la xaqiijiyey inay dhimatay, Masuuliyiinta Maraykanka iyo Qoyska gabadhan ayaa xaqiijiyey dhimashada muwaadinadan u dhalatay dalka Maraykanka.

Ururka Daacish ayaa afar maalmood ka hor sheegay in haweenaydan oo u shaqaynaysay hay’adaha gargaarku lagu dilay weerarada xagga cirka ee ka dhanka ah ururkaasi.

Afhayeen u hadlay Golaha Amniga Qaranka ee Maraykanka Bernadette Meehan ayaa sheegtay in qoyska Mueller ay heleen fariin gaar ah oo uga timid kooxda gacanta ku haysay gabadhooda maalmihii la soo dhaafay taas oo xambaarsanayd macluumaad dheeri ah oo ku aaddan dilka inantooda.

Afhayeen u hadlay aqalka cad ayaa u sheegay weriyayaasha in hay’adaha wardoonka ee Maraykanku aanay illaa hadda haynin macluumaad ku saabsan dhimashada haweenaydan.

XS
SM
MD
LG