Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Baarlamaanka oo Ansixiyay Xukuumadda Cusub


Baarlamaanka Federaalka ee Somalia ayaa maanta ansixiyay golahii wasiiradda ee uu dhawaan soo magacaabay R/wasaare Cumar Cabdirashiid.

Kalfadhiga maanta ayaa waxaa shir guddoominayay guddmiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Jawaari.

Mudanayaasha ayaa cod gacantaag ah u qaaday golaha xukuumadda ee cusub.

Tirinta codadka ka dib ayaa 191 xildhibaan waxay kalsoonida siiyeen xukuumadda halka ay ka soo horjeesteen 22 xildhibaan.

Golaha xukuumadda ee cusub ayaa ka kooban 66 xunbood.

XS
SM
MD
LG