Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Daacish oo Nolosha ku Gubtay Duuliyihii Jordan


Ururka Daacish ama ISIL ayaa gubay Mucaad al-Kaseasbeh oo ahaa duuliyihii u dhashay Jordan ee ay afduub ahaanta u haysteen.

Muuqaal maanta barta internet-ka la soo dhigay ayaa muujinaya duuliyaha oo ku dhexjira meel edeg ah. Laakiin TV-ga Jordan ayaa sheegay in Daacish ay duuliyaha dileen 3-dii bishii hore.

Militariga Jordan ayaa canbaareeyey dilka, waxayna wacad ku mareen in dadkii ka danbeeyey la ciqaabi doono.

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa canbaareeyey dilka duuliyaha, isagoo sheegay in falkani uu muujinaya cadaawadda iyo arxan darrada ururka Daacish.

Duuliyaha ayaa ururka Daacish ay ku qabteen dhulka Syria, kadib markii diyaaraddiisii oo ka mid ahayd diyaaradaha duqeeya ururka Daacish ay ku burburtay dhulkaasi.

Ururka Daacish ayaa dowladda Jordan ka dalbay inay duuliyaha ku baddashaan sii deynta haweenayda kooxaha argagixsada ka tirsanayd ee Sajida al-Rishawi, oo haatan ku jirta xabsi ku yaalla Jordan.

Ururka Daacish ayaa sidoo kale waxay toddobaadkii hore gowraceen laba qof oo u dhashay dalka Japan oo ay afduub ahaan ku haysteen.

XS
SM
MD
LG