Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Somaliland oo sii Daysay Markab Hub Siday


Dooni laga dajiyay markabka siday hubka
Dooni laga dajiyay markabka siday hubka

Somaliland ayaa sii daysay Markab hub siday oo waayadanba ku sugnaa dekedda Berbera, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Debedda ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis sii daynta markabkan ayaa ka dambaysay ka dib markii xukuumadda Sudan ay sheegatay hubka Markabkan saaran.

Wasiirka arrimaha debedda oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in Madaxweynaha dalka Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir uu qoraal u soo diray Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo isaga oo ku caddeeyey lahaanshaha hubkaas.

Hubkan ayaa sida ay sheegeen masuuliyiinta Somaliland waxaa loo waday Carwo hubka ah oo ka dhacaysa dalka Imaaraadka Carabta taas oo la filayo inay qabsoonto daba-yaaqada bishan.

Maxkamad ku taalla magaalada Berbera ayaa shalay la soo taagay kabtanka markabka iyada oo maxkamaddu ku ridday xukuno ganaax ah hase ahaatee Wasiirka Arrimaha Debedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa sheegay inay ka cafiyeen ganaaxaas.

XS
SM
MD
LG