Isku xirrada

War Deg-Deg ah

ISIS oo Qirtay in Looga Adkaaday Kobani


Kurdish Fighters Celebrate Kobani Victory
Kurdish Fighters Celebrate Kobani Victory

Dagaalyahanadda ISIS ee dagaalka kula jira kurdiyiinta iyo xulufadooda hawada ka taageeraya ayaa Sabtidii qirtay in dagaalka Kobani mudada bilaha ah socday, looga adkaaday oo ay dib uga gurteen magaaladaasi istaraatiijiga ah ee ku dhow xadka Syria iyo Turkiga.

Taliye Mareykanka ah oo isku duwe ka ah weerarada circa ee dagaalyanada ISIS lagu hayo ayaa qiray guusha ay Kirdiyiintu gaareen

War qoraal ah oo uu soo saaray ayaa General James Terry waxa uu ku sheegay in weeraro kale oo dheeri ah oo circa looga qaado ISIS inay ku taageeri karaan Kurdiyiinta inay ku sii siqaan dhulka ay ISIS dib ugu gurteen ee gudaha Syria.

Xoghayaha Arimaha Dibadda ee Mareykanka John Kerry, oo ka hadlayay magaalada Boston Sabtidii shalay , ayaa sheegay in qabsashada Kobani ay astaan u tahay guusha laga gaaray hadafkii laga lahaa ee caabinta dhul balaarsiga ISIS

XS
SM
MD
LG