Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Labo wiil uu dhalay Mubaarak oo la siidaayay


Maxkamadda ku taalla dalka Masar ayaa maanta siideysay labo wiil oo uu dhalay madaxweynihii hore ee dalka Masar Xusni Mubaarak.

Calaa iyo Gamal mubaarak ayaa saaka laga soo daayay xabsiga Torah oo ay ku jireen muddo afar sano ah.

Labada wiil iyo aabahood Xusin Mubarak ayaa weli ah kuwo dib loo maxkamadeyn doono, iyadoo loo haysto eedeymo la xiriira lunis hantiyeed, walow billowdii bishan ay ku guuleystaan racfaan ay ka qaadeen maxkamadeyntooda.

Madaxweynihii hore ee dalka Masar Xusni Mubaarak uu weli ku jiro isbitaal milatari oo lagu daaweynayo.

Siideynta Calaa iyo Gamal Mubarak ayaa ku soo beegmaysa hal maalin kaddib markii 18 qof ay ku dhinteen dibad-baxayo lagu xusayay sanad-guuradii afraad ee ka soo wareegtay markii uu cuntay kacdoonkii xilka looga tuuray madaxwyenihii hore ee dalka Masar Xusni Mubarak.

XS
SM
MD
LG