Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Daacish oo sii Deysay 200 Qof


Kooxda Daacish ayaa sii daaysay 200 qof oo ka tirsan qowmiyadda Yazidiga, kuwaasi oo ay afduub ahaan ugu haysteen gudaha Ciraaq.

Saraakiisha ayaa sheegay in dadkan la sii daayay ay yihiin dad waayeel ah, caruur iyo kuwa laxaad la', waxaana ku jira kuwa xanuunsan.

Qaar ka mid ah dadkan ayaa sheegay in kooxda Daacish ay cafis gaar ah u fidisay. Maleeshiyada Daacish ayaa dadkan ku qaaday baabuur, waxayna geeyeen meel u dhow galbeedka magaalada Kirkuk, halkaasi oo ay ka qaadeen ciidamada Kurdiyiinta.

Kooxda Daacish ayaa lagu eeedeeyay inay dadka ka tirsan qowmiyadda Yazidi dileen, iyagoo sidoo kale dhibaatoyin dhinaca galmada ah u geystay gabdhaha yar-yar ee Yazidi.

XS
SM
MD
LG