Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Fannaanka Kuluc oo Lagu Aasay Hargeysa


Maxamed Axmed Kuluc
Maxamed Axmed Kuluc

Allaha u naxariistee waxaa manata lagu aasay Magaalada Hargeysa Fanaankii Soomaaliyeed, Marxuum Maxamed Axmed Kuluc oo shalay ku geeriyooday magaaladaasi.

Aaska Marxuumka ayaa waxaa ka qeyb galay qaar ka mid ah madaxda Somaliland, Fanaaniin, dadweyne, iyo ehelada fanaanka.

Fanaaniin iyo masuuliyiin ka hadlay aaska ayaa ku dheeraaday taariikh nololeedkii faneed ee Marxuumka iyo doorkii uu ku lahaa halgankii xoriyada

Fanaanka ayaa lagu aasay qabuuro ku yaala Bariga Magaalada Hargeysa.

XS
SM
MD
LG