Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Puntland oo Xukuntay Siyaasiyiin Tagay Cadaado


Maxkamad ku taalla magaalada Garoowe ayaa xukunno culus ku ridday 14 qof oo la sheegay inay ka qaybgalayana shirka ka dhacaya Cadaado oo maamul loogu samaynayo Gobolladsa Dhexe.

Maxkamadda ayaa dadku ku eedeeysay “qaran-dumisnimo”

Saddex ka mid ah dadkaasi ayaa lagu xukumay ugu yaraan 25 sano ilaa xabsi daa’im halka 11 kalena lagu xukumay min 10 sano ilaa 25 sano oo xadhig ah. Dadkan ayaa la xukumay iyaga oo maqan.

Dadka xukunka xabsi daainka ay Puntland ku riday waxaa kamid ah Cabdiwali Muse Shire Dhamuuke oo horey uga mid ahaa xildhibaanadii Puntland, haatan hoggaaminaya ergada Mudug ka socota ee 13 xubnood ah.

Dhamuuke oo u warramay VOA ayaa sharci daro ku tilmaamey in xabsi daain lagu xukumo, isagoo difaacay ka mid noqoshadooda maamulka loo dhisayo gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Dhegayso: Faahfaahinta Xukunka Maxkamadda Garoowe
please wait

No media source currently available

0:00 0:11:55 0:00

XS
SM
MD
LG