Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sharma'arke: Xukuumad Dheelitiran ayaan Dhisay


Ra'iisul-wasaaraha Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Sharmaarke ayaa difaacay golaha wasiiradda ee uu soo magacaabay, isagoo sheegay inay tahay mid dheelitiran oo ay ku jiraan xubno kala matalaya dhinacyadii siyaasadda isku hayay.

Sharmaarke oo wareysi gaar ah siiyay ayaa sheegay in sababta uu u soo magacaabay qaar ka mid ah wasiiradii xukuumaddii hore ay tahay inaysan hakad galin howlihii muhiimka ah ee socda maadaama wakhtiga dowladda u haray ay yar tahay. RW Sharmaarke ayaa sheegay inuu la fadhiisan doono xildhibaannada diidan xukuumaddiisa kana qancin doono waxay tabanayaan.

Cumar Cabdirashiid wuxuu sheegay inuu ku rajo weyn yahay in xukuumadda cusub ay heli doonto kalsooda baarlamaanka.

Dhagesyo wareysiga gaarka ah ee Cabdicasiis Xuseen la yeeshay RW Sharmaarke.

Dhageyso wareysiga RW Sharmaarke ee Xukuumadda Cusub.
please wait

No media source currently available

0:00 0:17:42 0:00

XS
SM
MD
LG