Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wareysi: Madaxweyne Ismaacil Cumar


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle oo wareysi gaar ah siiyay idaacadda VOA, ayaa sheegay in heshiiskii ay dowladdiisu dhawaan la gaartay mucaaradka Djibouti uu qaboojin doono xiisaddii siyaasadeed ee dalkaasi ka jirtay 2-dii sannadood ee la soo dhaafay.

Madaxweynuhu wuxuu wareysigan sidoo kale uga hadlay arrimaha Soomaaliya, isagoo shaki ka muujiyay in doorasho ay Somalia ka dhacdo 2016, sababo ay ugu wacan tahay iyadoo ay wali hadhsan yihiin howlo ay ahayd in la dhameystiro.

Madaxweynaha Djibouti wuxuu wareysigan sidoo kale uga hadlay heshiiskii Somalia iyo Somaliland ay ku gaareen Djibouti, isagoo rajo ka muujiyay in natiijo fiican ay ka soo bixi doonto wadahadallada labada dhinac u dhaxeeya.

C/casiis Xuseen Cismaan ayaa madaxweyne Ismaacil Cumar Geelle khadka taleefonka ee Djibouti ku wareystay.

Dhageyso wareysiga Madaxweynaha Djibouti
please wait

No media source currently available

0:00 0:30:27 0:00

XS
SM
MD
LG