Masuuliyiinta reer Falastiin ayaa raadinaya inay ku biiraan Maxkamadda Dembiyada Caalamiga ah ee Hague, arrintan ayaa imanaysa ka dib markii uu guul darraystay qaraar qabyo ahaa oo wakhti kama dambays ah u qabanayey Israel inay ka baxdo dhulka ay haysato kadib markii dalka Maraykanku isticmaalay codka Diidmada Qayaxan.
Falastiiniyiinta ayaa isku deyaya inay abuuraan culays caalami ah oo ka dhan ah Israel tan iyo wixii ka dambeeyey markii ay burbureen wadahadaladii u socday labada dhinac.
Qaraarkan Qabyada ahaa wuxuu ugu baaqayey Israel inay ka baxdo dhulka ay haysato dabayaaqada sannadka 2017.
Hase ahaatee waxaa codka diidmada qayaxan ama afka qalaad loogu yeedho VETO ku hor istaagay dawladda Maraykanka, Safiirka DAwladda MAraykanka u joogta Qaramada Midoobay Samatha Power ayaa iyadu sheegtay in jidka keliya ee nabaddu ku iman kartaa ay tahay waxa ay ugu yeedhay Goaano ad-adag iyo isu tanaasul.
Professor Rosemary Hollis oo wax ka dhiga Jaamacadda City University ee ku taalla London ayaa isagu leh Diidmada dalka Maraykanka ee Qaraarkani waa mid la fahmi karo, isaga sheegay in haddii la meel mariyo qaraar aan dhinacyadu heshiis ku ahayn inay horseedi karto khilaaf cusub, wuxuuna isweydiiyey haddiiba la meel mariyo iyada oo aan Israel ogolayn qaraarkaas cidda ku khasbi karta inay ka baxdo dhulkii ay qabsatay sannadkii 1967-kii.
Isreal waxay ugu yeedhay goaanka uu gaadhay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inuu yahay guul macquul ah, Emanuel Nachshon oo ah afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Debedda ee Israel ayaa sheegaya inay tahay in Falastiiniyiintu fahmaan in jidka keliya ee hore loogu socon karo khariiradda nabaddu inay tahay wada xaajood ay la galaan Israel, laakiin aanay sii wadin qorshe ay keligood wax ku raadinayaan.
Masuuliyiinta Falastiin ayaa iyagu sheegay inay iminka raadinayaan inay ku biiraan Maxkamadda Dembiyada Caalamiga ah eek u taalla Hague. Ahmed Assaf oo u hadlay Madaxweyne Cabbas ayaa isagu sheegay in golaha amaanka ee Qaramada Midoobay inuu ku guul darraystay inuu ilaaliyo hadafyadii loo aasaasay, iyo waxyaabihii ay ahayd inuu difaaco.
Xittaa haddii aan Maraykanku isticmaalin codka diidmada qayaxan, qaraarkan qabyada ah Ayaan helin codadkii ay ahayd inuu helo taas oo laga rabay sagaal cod hase haatee wuxuu helay sideed.
Tirada Codaysay sideed ka mid ah xubnaha golaha ammaanka ayaa qaraarkan ogolaaday, shan ayaa ka aamustay, labona way ka soo horjeesteen. Inkasta oo aqlabiyaddii Golaha ammaanku ay dhinac jirto, haddana arrinta aqoonsiga Falastiin ee dal madax banaan ayaa taageero ka haysata golaha loo dhan yahay.