Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dad ku Dhintay Dibadbax Guriceel ka Dhacay


Ban
Ban

Ugu yaraan 2 qof ayaa ku dhintay dibadbax lagu taageerayay ururka Ahlu-Sunna Wal-Jamaaca ayaa maanta ka dhacay degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Dadkan ayaa waxay ka soo horjeedaan maamulka gobolka Galgaduud.

Ciidanka maamulka ee degmada ku sugan ayaa la sheegayaa inay rasaas ku fureen dadkaasi dibadbaxayay.

Wararka ayaa sheegaya in dad ka badan 5 qof ay sidoo kale qalalaasahan ku dhaawacmeen.

Ururka Ahlu-Sunna iyo maamulka gobolka Galgaduud ayaa waxaa ka dhex-jira khilaaf, waxaana dhawaan dagaal uu dhexmaray ciidamo kala taageersan labada dhinac. Ciidan Ahl-Sunna ayaa dhawaan degmada laga qabsaday.

Dhageyso dhimashada gobolada dhexe
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:04 0:00

XS
SM
MD
LG