Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ukraine iyo Xidhiidhka Cusub ee NATO


Madaxweynaha dalka Ukraine Petro Poroshenko ayaa saxeexay sharci dalkaas kaga baxayo hannaankii dhexdhexaadnimada isla markaana keenaya inuu u janjeedhsado dhinaca NATO oo ah isbahaysiga quwadaha reer Galbeedka.

Dalka Ruushka ayaa u arka isballaadhinta NATO inay khatar ku tahay Amniga dalkooda, waxaana madaxweyne Putin uu toddobaadkii hore saxeexay Wareegto Milateri oo markale uu ku muujiyey walaaca uu arrimahaas ka qabo.

Madaxweynaha dalka Ukraine ayaa muujiyey sida dalkiisu uga sii baxayo go’aankiisii ahaa inuu dhexdhexaad ahaado, ka dib markii uu warbaahinta hadal siiyey shalay oo isniin ahayd isagoo jeedinayey khudbadiisii dhammaadka sannadka uu ugu talo galay.

Madaxweyne Poroshenko oo qabanayey shirjaraa’id oo si toosa warbaahinta caalamka looga daawanayey ayuu ku saxeexay sharci ay toddobaadkii hore meel mariyey golaha baarlamaanka dalkaasi.

Isbedelkan ku yimi hannaankii siyaasadeed ee dalka Ukraine ayaa xilligan wixii ka dambeeya dalkani wuxuu u janjeedhsanayaa inuu xidhiidh dhow la yeesho isbahaysiga NATO isla markaana codsi toos ah u gudbisto oo tilmaamaya inuu ku biiro isbahaysigan, taas oo Ruushkuna u arkayo inay khatar ku tahay amnigeeda.

Mr Poroshenko ayaa weriyayaasha u sheegay in dadweynaha reer Ukraine ay dooran doonaan in dalkoodu uu shan illaa lixsano ku biiro Isbahaysiga NATO iyo inkale

Wuxuu sheegay Madaxweyne Poroshenko inuu u malaynayo inay khalad ahayd in sannadkii 2010 uu dalkiisu doorto inuu dhexdhexaad u ahaado Ruushka iyo xoogagga reer Galbeedka sida NATO, wuxuu sheegay inay tallaabadaasi burburisay hannaankii difaaca ee dalkiisa.

Dagaallada ka socday sannadkan dalka Ukraine ee u dhexeeyey ciidamada Ukraine iyo xoogaga gooni-u-goosatada Ruushka Taageersan ayaa sababay inay ku nafwaayaan illaa 5,000 oo qof.

Dalka Ukraine iyo wadamada reer Galbeedka ayaa ku eedeeyey xukuumadda Moscow inay ciidamo iyo hub ku caawisay mucaaradka hase ahaatee waxaa arrintaasi diiday masuuliyiinta Ruushka.

Inkasta oo xiisaddo halkaas ka jiraan, haddana Madaxweynaha Ukraine Petro Poroshenko ayaa shalay ku dhawaaqay inuu kulan la qaadanayo Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin iyo hoggaamiyayaasha Jarmalka iyo Faransiiska kaas oo ka dhici doona January 15-keeda Astana oo ah caasimadda dalka Kazakhstan.

Dawladda Ruushka ayaa iyadu dhinaceeda ka digaysa in dalkan dhibaatooyin badani soo foodsaari doonaan haddii lagu casumo inay ka qayb galaan isbahaysiga NATO.

Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa toddobaadkii hore saxeexay wareegto Milateri oo ka hadlaysa ama qaabaynaysa isballaadhinta NATO iyo Qorsheyaal la xidhiidha hirgelinta nidaamka ka hortagga gantaallada ee qaaradda Europe kaas oo uu u aqoonsaday inay halis weyn ku hayaan amniga qaranka ee Ruushka.

Walaaca dalka Ruushka ee la xidhiidha isbahaysiga NATO iyo gantaallada Difaaca maaha wax cusub, laakiin dadka wax falanqeeya ayaa iyagu leh wareegtadan cusubi waxay xoogga saaraysaa werwerka uu dalkiisu ka qabo saamaynta sii kordhaysa ee ay dalkiisa ku leeyihiin wadamada debeddu, gaar ahaan dhinaca macluumaadka iyo siyaasadaha gudaha dalka Ruushka.

Maxkamad ku taalla dalka Ruushka ayaa si lama filaana wax uga bedeshay dacwad ku socotay mid ka mida hoggaamiyayaasha sida weyn u dhaliila Madaxweyne Putin taas oo markii hore u muddaysnayd in dacwaddaas la qaado January 15 hase ahaatee iminka la dhegaysanayo maanta oo salaasa ah.

Alexei Navalny iyo walaalkii ayaa lagu soo eedeeyey musuqmaasuq, hase ahaatee taageerayaashooda ayaa qorshaynaya isu soo bax aan la ansixinin kaas oo la filayey inuu 15 Janury ka hor qabsoomo aqalka madaxtooyada ee dalkaasi waxaana isu soo baxaas saxeexay inay ka qayb galaan illaa 30,000 oo qof oo iska diiwaangeliyey bog laga sameeyey barta internetka ee Facebook.

Masuuliyiinta dalka Ruushka ayaa xidhay boggaas laakiin markiiba waxaa la aasaasay bogag cusub taas oo lagu faafiyey baraha isgaadhsiinta bulshada.

XS
SM
MD
LG