Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidan loo Diray Raashingaynta Buula-Barde


ciidan
ciidan

Ciidamo fara badan oo dowladda Somalia ay u dirtay degmada jalalaqsi ayaa la sheegay inay doonayaan inay awood military ku galbiyaan kolonyo gaadiid ah oo sida raashin oo muddo laba bilood ka badan ku xanibnaa magaaladaas.

Gaadiidkan ayaa magaalada Muqdisho ka qaaday raashin macaawinno ah oo loogu talagalay dadka ku nool degmada Buula Barde ee gobolka hiiraan.

Degmada Buulo Barde waxaa gacanta ku haya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ka socda dalka Jabuuti, hase ahaatee Alshabaab ayaa ka jira afarta dhinac, taasoo keentay in la gaarsiin waayo kaalmo gargaar, raashinkii ganacsigana uu gali waayo.

Maxamed Colaad Xassan ayaa qorshaha galbinta raashinkan ka wareystay, General Maxamud Maxamed Xassan (Qaafow) oo ka tirsan saraakiisha ciidamada dowladda ee gobolka.

Waraysiga oo dhan ka dhegayso qaybta hoose ee boggan:

Dhegayso raashin la gaynayo Bii-Barde
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:57 0:00

XS
SM
MD
LG