Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Diyaarad Air Asia leedahay oo la waayey


Diyaarad ay leedahay shirkadda Air Asia oo ah nooca Airbus isla markaana ay la socdeen 162 qof oo rakaabkii iyo shaqaalihii diyaaraddaas ah ayaa mar qudha laga waayay hannaankii isgaadhsiinta markii ay hawada ku jirtay illaa 42 daqiiqadood.

Rakaabka diyaaraddan saaran ayaa isugu jiray 149 qof oo u dhashay dalka Indonesia, 3 qof oo u dhashay dalka Kuuriyada Koonfureed, saddex qof oo u kala dhashay dalalka Singapore, Malasia iyo Britian, sidoo kale shaqaalaha diyaaradda ayaa ka koobnaa lix u dhashay dalka Indonisia iyo duuliye Faransiis ah.

Waxaa xilligan socda baadi-goob ballaadhan oo laga samaynayo badda Java, halkaas oo ku beegan meelihii ay dulmaraysay xilligii laga helay isgaadhsiinta ugu dambaysay.

Diyaaraddan ayaa ka soo duushay dalka Indonisia gaar ahaan magaalada Surabaya waxayna u socotay dalka Singapore hase ahaatee waxaa mar qudha la waayay 07:24 subaxnimo wakhtiga gobolkaas iyada oo hawada ku jirtay oo keliya illaa 42 daqiiqadood.

Saraakiil kala duwan ayaa sheegay ka hor intii aan la waayin is-gaadhsiinta shirkadda, duuliyaha diyaaradda ayaa la xidhiidhay saraakiisha hawada ee Jakarta isaga oo weydiistay inay u ogolaadaan inuu hawada kor ugu sii kaco illaa 1,800 oo meter si uu uga fogaado cimilada oo xun.

XS
SM
MD
LG