Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Tunisa: Essebsi oo la Soo Doortay


Siyaasaga rug caddaaga ah ee Beji Caid Essebsi ayaa ku guulaystay doorashadii madaxtinimada ee Tunisa.

Essebsi ayaa noqonaya madaxweynihii ugu horeeyay ee si dimuqraadi ah loogu soo doorto tan iyo markii Tunisa ay madaxbannaanida ka qaadatay Faransiiska 1956kii.

Guddiga madaxabannaan ee doorshooyinka Tunisia ayaa maanta oo isniin ah ku dhawaaqay in siyaasiga 88 jirka ah oo horena wasiir u soo ahaa uu ka guulaystay madaxweynahii Ku meel-gaarka ahaa ee Moncef Marzouki.

Essebsi ayaa helay boqolkiiba 56 dadkii codkooda dhiibtay.

Madaxweynaha cusub ayaa sanadihii sideetamaadkii wasiir ka soo noqday xukuumaddii Madaxweynihii xilka laga tuuray ee Bin Ali, waxaana uu sidoo kale la taliye uu u soo noqday madaxweynihii ugu horeeyay ee Tunisia Habib Bourguiba.

XS
SM
MD
LG