Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sydney: Dad Afduub loogu Haysto Maqaayad


Boqolaal boolis ah oo hubeysan ayaa magaalada Sydney ee dalka Australia isku geedaamay goob makhaayad ah, halkaas oo nin hubeysan uu dad afduub ahaan ugu haysto.

Muuqaalo Fidiyow oo Telefishinka si toos ah looga sii daayay ayaa muujinayay dad ku dhex jira goobtan laga qaxweeyo oo gacmaha ay dariishadha u saaranyihiin, calan madow oo far carabi ah ku qorantahay ayaa sidoo kale laga dhex arkayay muraayadaha goobta.

Boolisku waxey sheegeen in dadkii ku sugnaa xafiisyada ku dhow dhow halkaasi laga saaraay, guriga ay magaalada Syney ku caan baxday ee Opera House ayaa sidoo kale dadkii ku sugnaa laga daad gureeyay.

Jidadka ku dhow dhow goobtana waa la xiray.

Masuuliyiinta ayaa isku dayaya inay xiriir la sameeyaan dadka ku suggan gudaha goobtan laga qaxweeyo

Ra’isul wasaaraha Australia Tony Abbott ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ka sheegay in aan la ogeyn weli sababta iyo cidda ka dambeysa weerarkan.

Wuxuu sheegay in ujeedadan weerarkan uu yahay in dadka reer Australia argagax iyo cabsi lagu beero, wuxuuna ugu baaqay dadweynaha inay shaqooyinkooda si caadi ah u sii wataan.

Wuxuu sheegay in hay’adaha amaanka ee dalkaasi ay si xirfad leh uga jawaabayaan arintan dadkuna aysan isku mashquulin.

Goobtan lagu shaaho ayaa ku taala bartamaha magaalada Syney, halkaasoo ay buux dhaafiyaan dadka u dukaameysanaya xilliyada fasaxa ciidda Masiixiga oo foodda inagu soo heysa.

Dhismaha Baarlamanka ee New South Wales State ayaa isna ku yaala dhowr dhismo meel u jirta halka uu weerarkan ka socdo.

XS
SM
MD
LG