Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mudaaharaadyo Gilgiley Mareykanka


Khubarrada xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa ku baaqaya in dib u eegis lagu sameeyo hanaanka booliska ee Mareykanka, kadib markii laba kiis oo kala duwan oo laba sarkaal oo boolis caddaan ah ay dil u geysteen rag madow ah oo aan hubeysneyn, iyadoon wax dacwad ah lagu soo oogin.

Madaxa arrimaha dadka laga tirada badan yahay ee Qaramada Midoobay, Rita Izsak, ayaa war ay soo saartey waxay ku xustey in go’aannadii ay soo saareen labada guddi ee xeerbeegtida ee kiisaskaasi ay walaac badan abuureen marka loo eego adeegsoga awoodda xad dhaafka ah marka dhibbaneyaashu ay yihiin dad ka soo jeeda bulshada Mareykanka asalkoodu Afrika ka soo jeeda ee laga tirade badan yahay.

Warka Qaramada Midoobay ayaa ku soo beegmaya iyadoo xalay ay banaanbaxyo xooggan ruxeen magaalooyin dhowr ah oo ku yaalla Mareykanka, kuwaas oo lagu muujinayo sida looga xun yahay go’aanka lagu fasaxay ni caddaan ah oo New York ku diley bishii July Nin madow ah.

XS
SM
MD
LG