Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kenya: Al Shabab oo 36 ku Dishey Mandera


Ururuka kooxda Al Shabab ee dalka Somalia ayaa sheegtay mas’uuliyadda dilka 36 qof oo maanta koox dabley ah ay ku dileen goob dhagaxa laga qado oo u dhow magaalada Mandera ee waqooyiga bari Kenya.

Maliishiyaadka kooxda Al Shabab ee dalka Somalia ayaa sheegtay mas’uuliyadda dilka 36 qof oo maanta ka dhacay waqooyiga bari ee Kenya.

Weerarka ayaa ka dhacay goob dhagaxa laga qodo oo ku dhow magaalada Mandera, halkaas oo dad goobjoogeyaal ah ay sheegeen in dableyda ay shaqaalahaasi ku weerareen teendhooyinkooda oo ay xiligaasi hurdayeen.

War uu soo saarey ururka Al Shabab ayaa lagu sheegay in maliishiyaadkooda ay dileen wax ay ugu yeereen “Saliibiyiinta Kenya” isla markaana ay taasi jawaab kaga dhigayaan talaabada ay Kenya ciidammadeeda ku geysey gudaha Somalia.

Ciidammada Kenya ayaa tan iyo sannadkii 2011 ku sugnaa Somalia, iyagoo qeyb ka ah xoogagga nabad ilaalinta Midowga Afrika ee gacanta ka geystey in Al Shabab laga saaro magaalooyin waaweyn oo horey ay u haysteen.

Maliishiyada Al Shabab ayaa horey weerarp dhowr ah uga geystey Kenya, iyagoo isla markaan xukuumadda Madaxweyne Uhuru Kenyatta uga digey inay geysan doonaan weeraro hor leh haddii aaney ciidammadeeda kala soo bixin Somalia.

Bishii la soo dhaafey, Al Shabab waxay isla degaanka Mandera ku dishey 28 qof, markii ay weerareen bas rakaab ah oo ay saarnaayeen.

XS
SM
MD
LG