Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Warbixino: Xuska Maalinta HIV-AIDS


Maanta waxaa dunida laga xusayaa maalinta cudurka Aid-ka oo sannad walba la xusayo 1-da bisha December.

Magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliya, sida Muqdisho, Hargeysa iyo Garowe waxaa lagu qabtay lagu qabtay xafladdo iyo kulamo looga hadlayo cudurka AIDS-ka iyo dhibaatadda uu dadka ku hayo.

Dunida dad gaaraya 80 Malyuun oo qof ayaa cudurkan uu ku dhacay, waxaana u dhintay 40 Malyuun 35-kii sanno ee la soo dhaafay. Dhowrkii sanno ee la soo dhaafay waxaa la sameeyay horumar ku aadan sidii cudurkan lagu ciribtiri lahaa. Hay'adda QM u qaabilsan cudurkan ee UNAIDS ayaa dajisay qorshe cudurkan lagu soo dhameynayo ugu danbeyn 2030.

Hoos ka akhriso warbixino ay Muqdishu iyo Hargaysa nooga soo direen weriyayaashayaga Xasan Kaafi Qoyste iyo Cabdulxakiim Maxamuud Shirwac.

Cudurka HIV/AIDS
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:12:35 0:00

Sidoo kale ciwaanka hoose ka bogo macluumad la xiriira cudurka AIDS oo VOA ay diyaarisay.

http://www.voanews.com/info/aids-2014/4854.html

XS
SM
MD
LG