Isku xirrada

War Deg-Deg ah

UK: Soomaali Dambiyo Kufsi ah loo Xiray


Maxkamad ku taalla magaalada Bristol ee dalka Britain ayaa la soo taagay 13 dhallinyaro Soomaali ah oo loo haysto danbiyo kufsi iyo ka ganacsiga jirka gabdhaha yar-yar.

5 ka mid ah raggan ayaa waxaa la sheegay inay kufsadeen gabar 16 jir ah, halka gabar kale oo ay walaalo yihiin-na uu kufsaday mid kale oo ka mid ah raggan. Sida ay qorayaan warbaahinta Britain, Baadhitaanno ay boolisku sameeyeen ayay ku ogaadeen in raggan iyo koox kale ay ka ganacsanayeen jirka gabdhaha yar-yar, iyagoo siinayay lacago iyo maandooriyayaal si ay ula seexdaan rag kale

Jaaliyadda Soomaalida ee magaalada Bristol ayaa warsaxaafadeed ay arrintan kasoo saareen ku sheegay inay ka xun yihiin wixii dhallinyaradu ay geysatay, isla markaana ay taageerayaan in, haddii dambi lagu helo, la marsiiyo ciqaabta ugu adag ee muteysteen.

Cabdixaafid Jaamac oo ah saxafi ku sugan London ayaa VOA uga warramay maxkamaddeynta raggan Soomaalida ah.

Dhageyso Wareysiga Soomaalida loo xiray Kufsiga
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:10 0:00

XS
SM
MD
LG