Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dhulgariir ku Dhuftay Galbeedka Shiinaha


Saraakiisha dalka Shiinaha ayaa sheegay in dhul gariir uu ka dhacay goobo ku yaalla galbeedka dalka oo dadku aanay ku badneyn. Dhul gariirka ayaa waxa ku dhintay 4 qof, tiro ka badan 50 kalena way ku dhaawacantay.

Hay’adda Saadaasha dhinaca Jiyoolojiga ee dalka Maraykanka ayaa quwadda dhul gariirka ku qiysaastay 5.9. Hay’addu waxay sheegtay in dhulgariirku uu dhacay Sabtidii xalay, kaas oo ka dhacay meel 30km u jirta degmada Kangding ee gobolka Sichuan.

Guryaha qaarkood ayaa dumay, kuwa kalena dildilaac ayaa gaaray.

Wakaalada wararka dawladda ee Xinhua ayaa Axadda maanta ah sheegtay in 42 arday ay ku dhaawacmeen markii ay isku buurteen dugsi hoose oo ku yaalla magaalada Tagong, iyaga oo lafahooda la baxsanaya.

Maamulka ayaa wali qiimeyn ku wada khasaarihii dhacay.

XS
SM
MD
LG