Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shirkii Copenhagen oo la soo Gabagabeeyay


Shirka Copenhagen
Shirka Copenhagen

Shirka looga hadlayay hiigsiga cusub ee Soomaaliya ayaa maanta lagu soo afjaray magaalada Copenhagen ee Denmark.

War-murtiyeed ka kooban 24 qodob ayaa shirka laga soo saaray.

Xuseen Cabdi Xalane, wasiirka maaliyadda dowladda Soomaaliya ayaa VOA u sheegay in shirkan looga hadlay wixii dowladdu ay ka qabatay dhinacyada amniga, dhaqaalaha, siyaasadda iyo dimoqraadiyadda.

Xalane wuxuu sheegay in khilaafka madaxweynaha iyo ra'iisul-wasaaraha uusan wax saameyn ah ku yeelan, balse wuxuu sheegay in wakiiladda beesha caalamka ee shirkan ka qeybgalay ay walaac ka muujiyeen khilaafka, sidoo kalena ay ku baaqeen in Soomaalidu ay iyagu xal ka gaaraan.

Dhageyso: Shirka Copenhagen oo Dhamaaday
please wait

No media source currently available

0:00 0:10:32 0:00

XS
SM
MD
LG