Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shirka Higsiga Cusub ee Somalia ee Denmark


Waxaa maanta ka furmay Magaalada Copenhagen ee dalka Denmark Shirkii hiigsiga cusub ee somalia kaasi oo ay ka qeyb galayaan Wafuud heer caalami ah.

Dowladda Somalia ayaa waxaa shirkan uga qeyb galaya wafdi uu hogaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Wafdiga dowladda ka jooga shirka waxey isugu jiraan wasiiro, xildhibano iyo madaxda maamul goboleedyada, waxaana shirka lagu lafa gurayaa arimaha siyaasadda, dhaqaalaha iyo horumarinta, iyo nabadgelyada Somalia.

Waxayabaha sida gaarka ah shirka xoogga loogu saari doono labada maalmood ee uu socdo waxaa ka mid ah, qorshaha higsiga sanadka 2016ka, oo ay ku jiraan dhismaha maamul goboleedyada, xasilinta dalka, hirgelinta nidaamka federalka, dib u eegista iyo dhameystirka Dastuurka iyo ilaa iyo hadda wixii ka qabsoomay yoolashaasi la hiigsanayo.

Shirka waxaa kaloo la iskula soo qaadi doonaa la xisaabtan xagga maaliyadda gaar ahaan deeqaha iyo lacagaha ay beesha caalamka ugu deeqday Soomaaliya, shirkii kan ka horeeyay ee lagu qabtay magaalada Brussels ee xarunta dalka Belgium sanadkii 2013-ka.

Madaxweynaha Somalia Xasan sheikh Maxamud ayaa shirka warbixin ka siin doona guulaha ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom ay ka gaareen dagaalka ay kula jiraan Al-shabab.

Shirkan ayaa ku soo beegmaya xilli uu jiro khilaaf xooggan oo aan dhanna u dhicin oo ka dhex oogan Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha Somalia.

Shirkan ayaa waxaa wada-guddoomin doona madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo mas’uul sare oo ka socda Qaramada Midoobay, hasa yeeshee si guud u matalaya Beesha Caalamka.

Hoolka uu shirku ka socdo ayaa waxaa ku suggan ergooyin ka kala socda 140 dal oo caalamka ku yaala.

Qaybta hoose ee boggan ka dhegayso Khudbadda Madaxweynaha Somalia iyo waraysiyo la xiriira shirka:

Dhegayso: Warbixinno iyo Waraysiyo ku saabsan Shirka Denmark
please wait

No media source currently available

0:00 0:14:54 0:00

XS
SM
MD
LG