Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Weerar ka Dhacay Jerusalem


Booliska Israeli ayaa sheegay in laba Falastiini ah ay weerareen goob ay ku cibaadeystaan dadka Yuhuudda oo ku taalla Jerusalem, halkaasina ay ku dileen afar ruux lix kalena ay ku dhaawaceen.

Afhayeen u hadashey booliska Israel, Luba Samri ayaa sheegtay in dadka weerarka soo qaadey ay ku hubeysanaayeen faasas iyo qoryo, markii ay si lama filaan ah ay goor subax ah oo dadku cibaadeysanayeen ay u dhaceen goobtaasi oo ku taalla magaalada Har Nof.

Samri waxay ku tilmaantey dadka weerarkaasi geystey inay ahaayeen argagixiso, waxayna sheegtay in booliska ay dileen dadkaasi weerarka geystey.

Raiisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa eedda weerarkan dusha ka saarey “falal dadka lagu kicinayo” oo ay sameeyeen sida uu hadalka u dhigey kooxda Xamaas iyo Madaxweynaha Falastiiniyiinta Mahmoud Abbas, isagoo intaa raaciyey in beesha caalamka ay iska indha tirtey falalkaasi.

Mr. Netanyahu waxaa uu balanqaadey in Israel ay jawaab ka bixin doonto weerarkaasi.

Mr. Abbas ayaa isna dhankiisa wax yar kadib markii uu weerarka dhacay soo saarey war uu ku dhaleeceynayo weeraradaasi iyo kuwa kale ee loo geysanayo dadka rayidka ah, iyo cid walba fulineysa intaba.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka John Kerry ayaa khadka telefonka ugu tacsiyeeyey Mr.Netanyahu.

Waxaa kale oo uu saxaafadda ugu sheegay magaalada London in weerarkaasi uu ahaa mid argagixiso.

XS
SM
MD
LG