Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Milatariga Bukina Faso oo Xukunka Wareejinaya


Masuuliyiinta Miltariga haya xukunka dalka Burkina Faso ayaa sheegay in hogaamiyaha cusub ee rayidka ah ee dalkaasi eek u meel gaarka ah lagu dhawaaqi doono maanta oo isniin ah.

Siyaasiyiin iyo wakiilo ka socday Milatariga, bulshada rayidka ah kooxaha diinta iyo odayaasha dhaqanka ayaa kulmay axaddii shalay si ey u soo magacaabaan madaxweyne ku meel gaar ah, oo dalkaasi hogaamiya si xukunka gacanta rayidka loogu soo celiyo, ka dib markii madaxweynihii dalkaasi mudada dheer ka ariminayay Blaise Compaore, uu dalkaasi isaga cararay markii lagu qasbay inuu xukunka ka dego.

Madaxweyne ku meel gaar ah ayaa la filayay in la magacaabo Axaddii shalay, halka la filayo in ra’isul wasaare cusub la soo magacaabo maalinta Arbacada ah.

Mr. Compaore resigned ayaa iscasilay 31kii bishii October ka dib markii kacdoon lagaga hor yimid dalaal uu ku doonayay in uu mar kale isu soo taago xilka madaxweynenimada sanada soo socda.

XS
SM
MD
LG