Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wadamada G20 oo Goaano ka Gaadhay Dhaqaalaha Dunida


Hoggaamiyayaasha labaatanka waddan ee dunida ugu dhaqaalaha badan ayaa shaaciyey qorshe kor loogu qaadayo waxsoosaarka dakhliga gudaha in ka badan $2 Trillion oo Dollar shanta sano ee soo socota.

Waxaana arrintaasi ku imanaysaa iyada oo maalgelin lagu samaynayo kaabayaasha dhaqaalaha iyo weliba iyada oo kor loo qaadayo ganacsiga xorta ah.

Qoraalka ay sii daayeen hoggaamiyayaashani ayay ku ballanqaadeen inay iskaashi ka sameynayaan sidii ay tallaabo xooggan u qaadi lahaayeen oo ku aaddan isbedelka cimilada dunida, sidoo kale waxay sheegeen inay isla qaateen sidii ay u taageeri lahaayeen dedaallada caalamiga ah ee wax lagaga qabanayo faafista xanuunka Ebola eek a dillaacay galbeedka Afrika.

Ra’iisal wasaaraha Australia Tony Abbot oo ka hadlayey magaalada Brisbane ayaa sheegay in dalalkani ay si dhow uga wadashaqayndoonaan kormeerida iyo hirgelinta ballanqaadyada ay sameeyeen ee kor loogu qaadayo koboca.

XS
SM
MD
LG