Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Obama: Russia ha Xishmeyso Xabbad Joojinta Ukraine


Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa ugu baaqey Russia inay xishmeyso heshiiskii xabbad joojinta ee bishii September dhexmarey Kyiv iyo xoogagga falaagada bariga Ukraine ee taageerada ka haysta Moscow.

Ku Xigeenka La Taliyaha dhanka Ammaanka Qaranka ee Aqalka Cad Ben Rhodes ayaa sheegay in Madaxweyne Obama uu fariintaasi u gudbiyey Madaxweynaha Russia Vladimir Putin mar ay ku kulmeen shir madaxeedkii dhowaan lagu soo gabagabeeyay magaalada Beijing.

Rhodes waxaa uu saxaafadda u sheegay in Mr Obama uu kala hadli doono xasaradda Ukraine hoggaamiyeyaasha Yurub ee ka qeybgalaya kulan madaxeedka waddamada G-20 ee ka dhacaya magaalada Brisbane ee dalka Australia.

Gaashaanbuurta NATO iyo kormeerayaasha Yurub ayaa sheegay in taankiyada dagaalka ee Russia, ciidamo iyo hub loo soo tilaabiyey xadka maalmihii dhowaa ee la soo dhaafey.

Moscow waxay marar badan beenisey in lug milateri ay ku leedahay Ukraine, waxayna ku tilmaantey ciidamada Russia ee ka barbar dagaalamaya falaagada inay yihiin mutadawiciin iskood isu direy.

XS
SM
MD
LG