Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Arday Lagu Diley Waqooyiga Nigeria


Arday farabadan ayaa lagu diley weerar bambaano oo lagu qaadey dugsi ku yaalla waqooyiga Nigeria.

Qaraxa ayaa ka dhacay magaalada Potiskum, oo ku taalla gobolka Yobe ee waqooyi bari Nigeria, halkaas oo ardeydu ay isugu soo uruureen iyagoo isku diyaarinaya inay gaaan fasaladooda subaxnimadii maanta.

Dad goobjoogeyaal ah ayaa sheegaya in 35 ilaa 48 lagu diley weerarkaasi.

Dad kale oo badan ayaa lagu dhaawacay weerarkaasi bambaano, iyadoo qaar ka mid ah ay dhaawacyo halis ah qabaan. Ilaa iyo haatan ma jirto cid sheegatey mas’uuliyadda weerarka.

Weerarkani ayaa imanaya toddobaad kadib markii dad kale oo badan lagu diley weerar is miidaamin ah oo ka dhacay Potiskum, markii dad looga shakisan yahay inay ahaayeen maliihsiyaadka Boko Haram ay weerareen kulan diimeed.

Dalka Nigeria ayaa waxaa bilihii dhowaa hareeyey dhowr weerar argagixiso oo ay qaadayeen maliishiyaadka ururka mintidka ah ee Boko Haram.

XS
SM
MD
LG