Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ban Ki-moon oo Booqday Geeska Africa


Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban ki Moon oo ay wehelinayaan Guddoomiyaha Baanka Dunida Jim Yong Kim, Axmed Maxamed Cali oo isna madax u ah baanka horumarinta Islaamka iyo masuuliyiin kale ayaa maanta safaro kala duwan ku gaalaa bixiyey dalalka Djibouti iyo Somalia iyo Kenya halkaas oo ay booqanayaan xeryaha qaxootiga ee Kenya.

Ban Ki Moon ayaa dalka Djibouti kulan kula yeeshay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, iyada oo labada masuul ka wada hadleen dhinaca nabadda iyo ammaanka gaar ahaan sugnaanta cuntada oo saamayn ku yeelata dalka Djibouti ama guud ahaan mandaqadda Geeska Afrika, sidoo kale waxay labada masuul ka wada hadleen Xaaladda Somalia, Doorashooyinka dalka Djibouti iyo arrimo kale.

Weftiga Xoghayaha Qaramada midoobay ayaa intaas ka dib u sii dhaafay magaalada Muqdisho halkaas oo ay kulan kula yeesheen madaxda Somalia iyaga oo halkaas u tegey inay dawladda Somalia u muujiyaan taageero la xidhiidha horumarada laga sameeyey dhinaca amniga.

Xoghayaha Qaramada Midoobay iyo weftigiisa ayaa tagay Xeryaha Qaxootiga Soomaalida ee ku yaalla dalka Kenya.

Waraysiyo iyo warbixino la xidhiidha safarka Xoghayaha Qaramada Midoobay ka dhegayso qaybta hoose ee boggan.

Dhegayso: Warbixino ku saabsan booqashada Ban Ki Moon
please wait

No media source currently available

0:00 0:19:14 0:00

XS
SM
MD
LG