Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweynihii Zambia oo Geeriyooday


Madaxweynaha Zambia Michael Sata ayaa ku geeriyooday magaalada London, halkaas oo laga daweynayey xanuun aan weli la shaacin. Da’diisa waxay ahayd 77 jir.

Xoghayaha Golaha Wasiirada ee Zambia Roland Msiska ayaa manta oo Arbaco ah xaqiijiyey in Mr Sata uu geeriyooday shaley gelinkii dambe.

Toddobaadkii hore, xafiiska madaxweynaha ayaa sheegay in Mr Sata uu dalka dibeddiisa ugu ambabaxay baaris caafimaad, laakiin ma jirin faahfaahin dheeri ah oo uu xafiisku bixiyey.

Xaaladdiisa caafimaad ayaa tan iyo bishii July laga muujinayey walaac, kadib markii uu socdaal uu isku soo daweynayo ku tegey Israel, wixii intaa ka dambeyseyna muddo saddex bilood ah laguma arkin meel fagaare ah.

Bishii la soo dhaafey waxaa uu hor imaan waayey shirkii Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee New York oo uu khudbad ka jeedin lahaa, waxaana xiligaas booliska ay VOA u sheegeen in dhakhaatiirta Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Mareykanka.

Mr. Sata waxaa uu Zambia hoggaaminayey tan iyo sannadkii 2011 oo uu ku guuleystey doorashadii madaxtinimada ee soo afjartey taladii Xisbiga Movement for Multiparty Democracy oo muddo labaatan sanno waddanka soo xukumayey.

XS
SM
MD
LG